U bood dhigaalka

Ciidama Ammaanka Gobolka Banaadir oo Qabtay Rag Burcad ah

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammanka gobolka Banaadir oo habeenimadii xalay howlgal ka sameeyey degmada Hilwaa ayaa gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyey in xiliyada habeeenkii  ah ay dhac u geystaan shacabka ku nool degmada oo ka cabtay.

Ragggan oo lagu soo  bandhigay saldhigga degmada ayaa ahaa sedex nin, xiliga la qabtay ayeyna wateen hub iyo waxyaabaha maanka dooiya sida laga soo xigtay laama ammaanka, waxaana la qabtay iyagoo dhacay qof shacab ah.

Degmada Hilwaa ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyin inta badan shacabku ay dhibaato ku qabaan kooxo hubeysan oo xiliyada habeenkii ah ka qaato taleefana gacanta, iyadoo mararka qaarna loo dilo sababtiisa qofka.

Goobjoog News