U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka oo Gacanta Ku Dhigay Koox Dhac Ka Geysanaysay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamada Ammaanka degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegay in howlgal lagu sameeyay degmada lagu qabtay laba koox burcad ah, kuwaas oo la sheegay in ay dhac ka geysanyeen gudaha degmadaasi.

Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad Caag ah oo uu dadka ku dhacayay, halka kan kalana uu ahaa darawalka Mooto Bajaajka wax lagu dhacayay, sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka fulisay.

Taliska Qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in eedeysanayaasha lasoo qabtay sida ugu dhqaha badan lagu  horgeynayo caddaaladda lana marsiinayo waxa sharcigu dhigay, booliiska ayaa hore u qabtay koox lamid ah.

Kooxaha burcadka ah ayaa inta badan bulshada ku nool caasimadda waxaa ay ka muujiyaa cabashooyin ku aadan, waxaana maamulka iyo laamaha amniga gobolka ay hore u sheegeen in ay wadayaan howlgallda amni xaqiijinta.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe ka waday caasimadda howlagallo lagu baacsanayo kooxaha ciyaal weerada iyo goobaha lagu iibiyo waxyaabaha Maanka dooriya iyo warshada lagu sameeyo intaba.

Goobjoog News