U bood dhigaalka

Ciidama Ka Tirsan Dowladda Oo Weerar Ku Qaaday Xarun Warbaahineed

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa weerar ku qaaday Waaberigi hore ee saaka Xarunta warbaahinta Mustaqbal Media .

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Howl wadeenada Xarunta loo geystay jir dil, iyadoo ciidamada ay qaateen qaar ka mid ah qalabkii lagu shaqeynayay.

“Ciidanka dowladda ee galay xarunteenu waxa ay geysteen Jirdil shaqaalaha qaarkood, Waxa ay qaateen Dhammaan qalabkii Warqabadka, Maamulka iyo Telefeahinka.”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook-ga Mustaqbal
Agaasimaha Muqstaqbal Oo la hadlay GoobJoog News  ayaa sheegay in ciidamada ay Saakay xilligii Salaaddi subax weerar ku soo galeen xarunta , jirdilne u geysteen Bashiir Maxamuud Yuusuf BK, sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in ay ciidamada Weerarka ku qaaday ay yihiin kuwa sida gaarka ah u Tababaran ee Booliiska Haramacad .