U bood dhigaalka

Ciidama Lagu Soo Bandhigay Dowlad Deegaanka Laguna Amray In Ay Dagaalka Ka Qeyb Galaan

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida Mustafa Maxamed Cumar Cagjar, ayaa soo bandhigay ciidamo ka tirsan kuwa militeriga dowlad deegaanka oo uu shegay in loo diyaariyay in ay ka qeyb galaan dagaalka ka socda dalka Itoobiya.

Cagjar ayaa sidoo kale sheegay ciidamadaan oo au tiradoodu badan tahay in ay garab istaagayan kuwa militeriga dalka Itoobiya.

Ciidamada dagaalka loo diyaariyay ayaa ah kuwa soomaali ah.

Dagaalka TPLF iyo xukuumadda Abiy ayaa sii xoogeystay saacadihi la soo dhaafay xilli Ra’iisul wasaaraha uu ku baaqay howlgal culus.

Goobjoog News