U bood dhigaalka

Ciidamada Ahlu Sunna oo Adkeystey Difaacyada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Sida uu kusoo waramayo wariyaha Goobjoog ee Dhuusamareeb, ciidamada Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa dagay xarumaha muhiimka ah ee magaalada Dhuusamareeb, sida saldhigga iyo waliba xerada taliska 21-aad iyo waliba koontaroolada laga soo galo magaalada.

Magaalada ayaa waxa ay wax kasta u socdaan sidii caadiga ahayd gaar ahaan ganacsiga iyo waxbarashada, iyo isu socodka gaadiidka magaalada iyo magaalooyinka kale.

Qabshadaha Ahlu Sunna ee Dhuusamareeb ayaa ahayd isbadalkii ugu weynaa ee dhaca todobaadkani, mana ahayn arrin laga sii fikiri karay, xitaa dadka aadka xog ogaalka u ah arrimaha gobolada dhexe.

Ciidamada ayaa waxa ay mahaalada soo galeen aroortii hore mar ay sacaaddu ahayd 7-dii aroornimo, iyaga oo kasoo galay dhanka koonfurta magaalada oo ay ka xigto Guri Ceel.

Waxa ay wateen gaadiid dagaal oo gaaraya 10 , iyo ciidamo kale oo badan oo qaarkood gaadiid kale lagu soo daabuley, waxaana dhacday in si sahlan oo dhiig uusan ku daadan, xabbadna aysan qush ka oran ay kula wareegaan gacan ku heynta magaalada.

Ciidamada Itoobiya oo magaalada ku sugnaa ayaanan iyagu sameynin wax dhaqdhaqaaq ah, waxayna u muuqdeen kuwa kasii warhayay imaanshaha ciidamadani maadaamaa caadi ahaan ciidan aysan ogeyn haddii uu magaalada soo galo ay taasi dhalin lahayd xiisad.

Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ee ciidamada horkacaya ayaanan wali wax hadal ah saxaafadda siinin, waxaana la sheegey in bari ay la hadli doonaan warbaahinta.

Horey mas’uuliyiin ay Goobjoog wareysatay oo Guri Ceel ku sugnaa ayaa sheegey in ay dib ola wareegi doonaan dhamaan deegaanadii ay ka talin jireen, oo ay ku jirto Dhuusamareeb.

Goobjoog News