U bood dhigaalka

Ciidamada Ahlu Sunna oo Dagaal Kula Wareegey Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Ciidamada Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa dagaal kula wareegey magaalada Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku hardamayeen ciidamo kala duwan.

Xasan Maxamuud Warsame waa madaxweyne ku xigeenka maamulka Gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ay ka dhiseen magaalada Dhuusamareeb, Goobjoog News oo uu wareysi siiyey ayuu ku yiri “Saad ogtahayba shacabka deegaankan Caabudwaaq iyo culumaa’udiinka oo iskaashanaya ayaa shalay la wareegey gacan ku heynta magaalada, oo lagu wareejiyey amniga deegaanka , ciidanka ka hawlgalayayna waxa uu ahaa ciidan ka mid ah dowlad goboleedka gobolada dhexe, ciidankaasi markii lagu wareejiyey amniga deegaanka isla xalay waxaa dhacay dagaal, qolo nabad diid ah oo qeyb ka ah dhinaca Cadaado ay abaabulayeen”.

Waxa uu intaasi ku daray in codsi kaga yimid bulshada magaaladaasi ay talaabadan u qaadeen “Bulshada deegaankan ku dhaqan waxa ay codsadeen in ay gacan ka helaan ciidanka militariga ee dowlad goboleedka, weeyna soo gaareen xalay sided saac habeenimo, isla saakayna waxaa halkaasi laga saaray qoladii dagaalamayay ee nabad diidka ahaa”.

“Caabudwaaq waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidanka dowlad goboleedka gobolada dhexe oo si fiican ay usoo dhaweeyeen shacabka “ ayuu intaasi sii raaciyey.

Mar aan wax ka weeydiiney qasaaraha ka dhashay dagaalka ayuu sheegey in uusan jirin qasaare badan , balse ay jiraan dhaawacyo yaryar.

Goobjoog News