U bood dhigaalka

Ciidamada Al-shabaab Oo La Wareegay Deegaanka Camaara Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay la wareegeen deegaanka Camaara ee gobalka Mudug.

Dad ku sugan deegaankaasi ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News, in ay ka war heleen ciidamo badan oo Al-shabaab ah, islamarkaana deegaankooda kusoo qulqulaya.

Lama soo warin in dagaal ay halkaasi ku qabsadeen iyo in kale, hase ahaatee waxay fariisimo ka sameysteen dhowr jiho oo magaalada Banaanka ka ah.

Illaa iyo hadda lama oga uljeedka Al-shabaab ee qabsashada deegaankaasi, iyadoo xaaladda ay tahay mid deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjboog News