U bood dhigaalka

Ciidamada Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidanka Kenya Ku Lahaayeen NFD

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaamaya gobolka NFD ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Booliiska Kenya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Cumar Jilicow oo ku yaalla gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhimatay Saddex ruux oo la sheegay iney ku jiraan askar Booliis ah iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Sidoo kale saraakiil u hadashay Booliiska Kenya ayaa sheegay in la la yahay Labo ruux oo Kenyan ah, waxaan ku jira Askari Booliis ah.

Lama oga dadka la la’yahay iney horey u kaxeysteen dagaalyahannada Al-shabaab iyo in kale.

Weerarkaan oo xalay dhacay ayaa la rumeysan yahay iney soo qaadeen tiro badan oo kamid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ku qaadayaan dalka Kenya wixii ka dabeeyay markii ciidanka dalkaasi ay gudaha Soomaaliya soo galeen sanadkii 2011.

Goobjoog News