U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Baraawe, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab oo ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalka oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa ku billowday sida la sheegay kadib markii Al-shabaab ay qarax Miino u dhigeen kolonyo ciidanka AMISOM ah, waxaana xigay dagaal toos ah.

Lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkan, waxaana dagaalka uu ahaa mid saacado socday.

Xuseen Barre Maxamed oo ah guddoomiyaha degmada Baraawe oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in markii ciidanka AMISOM halkaasi ku qabsaday weerarka ay u gurmadeen ciidanka kale islamarkaana laga adkaaday Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey jiritaanka khasaare soo kala gaaray Labada dhinac balse ma aanu sheegin tirada askarta waxyeellada soo gaartay.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa warbaahinadooda ka sheegay inay gubeen mid ka mid ah gaadiidka AMISOM sidoo kalena ay dileen ku dhawaad 10 Askari oo AMISOM ah .

AMISOM weli kama aysan hadal hadii ay jiraan khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News