U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Degmada Baardheere, Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku dagaallameen degmada Baardheere ee gobolka Gedo halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Baardheere, waxaana dagaalka uu socday ku dhawaad saacad.

Inta la xaqiijiye Afar qof oo Labo ka mid ah ay yihiin shacab ayaa la xaqiijiyey in dagaalkii xalay ay ku dhaawacmeen.

Qof ku sugan degmada Baardheere ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in dagaalkii xalay la’isku adeegsaday hub culus.

Weli dhanka AMISOM wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkii xalay ka dhacay degmada Baardheere, dhanka Al-shabaab iyaguna kama aanay hadalin dagaalladaasi.

Xaaladda guud ee degmada Baardheere maanta oo Jimco ah waa mid deggan.

Goobjoog News