U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka KMG Jubba oo ku wajahan Jilib

Sheeko:Dalka
Askar ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sugan duleedka  Kismaayo
Askar ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sugan duleedka Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka ku-meel gaarka ee Jubba iyo kuwa AMISOM ay u diyaar garoobeen sidii ay u gaari lahaayeen goobaha xarakada Al-shabaab ay kaga sugantahay gobolada Jubbooyinka.

Ciidamo badan ayaa lagu arkayay iyaga oo ka sii baxaya Kismaayo isla markaana ku wajahan degmooyinka ay Jubbooyinka kaga suganyihiin xarakada Al-shabaab.

Abaabulka ciidan ayaa si weyn looga dareemay gudaha iyo bannaanka Kismaayo sida oo inoo xaqiijiyay wariyaha Goobjoog FM ee Kismaayo.

Dhanka kale, dadka ku nool degmada Jilib ayaa bilaabay in ay ka qaxaan magaalada  kadib markii ay diyaardaha dagaalka Kenya  duqeyn ka geysteen degmadaas, ma jiro warar sax ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeyntan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka xarakada Al-shabaab.

Wixii war ah ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.