U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Oo Baneeyey Qaar Ka Mid Ah Fariisimahoodii Jalalaqsi, Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidanka AMISOM ee Jabuuti ay saakay baneeyeen qaar ka mid ah fariisimahii ay ku lahaayeen degmadaasi.

Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka, ciidankan oo Saddex meel ka deganaa degmadaasi ayaa lagu soo waramayaa iney isaga baxeen Labo meel, iyaga oo hal saldhig isugu tagay.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay kadib khilaaf soo kala dhexgalay ciidamada AMISOM iyo sidoo kale maamulka degmada Jalalaqsi.

Dhanka kale, saraakiisha ciidanka Booliiska ee degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in meelaha ay ciidanka Jabuuti ka baxeen ay ciidanka Booliiska la wareegeen ammaankuna uu wanaagsan yahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News