U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Oo Faarujiyay Deegaanka Aw-dheegle Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Shabellaha hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay faarujiyeen deegaanka Aw-dheegle ee gobalkaasi, halkaa oo muddo ay joogeen.

Xasan Salaad oo ah taliyaha ciidamada Booliiska ee deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada AMISOM aysan ku war gelin markii ay deegaanka ka baxayeen, lana arkay iyaga oo guuraya.

Taliyaha ayaa tilmaamay in hadda amniga deegaanka ay gacanta ku hayaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Booliiska ah.

“Anaga ma naqaan sababta ay ciidamada AMISOM u baxeen, laakiinse Aw-dheegle hadda anaga ayaa gacanta ku hayna, waxaana nala jooga ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha.

Wixii ka dambeeyay 26-kii bishaan markii Al-shabaab weerar xoogan ku qaadeen xarun ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego, waxaa soo kordhaya deegaanada ay ciidamada isaga baxayaan.

Goobjoog News