U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Oo Faarujiyey Leego, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMSIOM ee ku sugnaa deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa la sheegayaa in goor dhow ay faarujiyeen guud ahaan deegaankaasi.

Mas’uul ka tirsan maamulka Sh/hoose kana gaabsaday in magaciisa aan baahinno ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in deegaankaasi ay sidoo kale ay isaga baxeen ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Dhanka kale, mas’uulkan ayaa sheegay in ay jiraan dagaalyahanno Al-shabaab ah oo soo buuxdhaafiyey duleedka deegaanka Leego ee Sh/hoose.

Warar madax bannaan ayaa waxay sheegayaan in sababta ciidamada AMISOM u faarujiyeen deegaanka Leego iney tahay ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo socda Baydhabo in deegaankaasi ay kusoo wajahan yihiin si ay howsha halkaasi uga sii wadaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News