U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Oo Howlgallo Dad Lagu Soo Qabtay Ka Sameeyay Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Howlgallo ay dad ku soo qabqabteen ciidamada AMISOM ayaa xalay waxa ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalkani AMISOM ku caawinayay, waxaana la qabqabtay dad xoolo dhaqato ah.

Arrintani ayaa daba socota weerar dhowaan ka dhacay Fariisimo ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin garoonka Ballidoogle.

Intii ay socdeen howlgalladani waxaa ciidamada AMISOM ay deegaanka Gamboole ku dileen qof reer Baadiye ah, iyadoo illaa iyo haatan aan la ogeyn sababta ay shaqsigaasi u dileen.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay Seddax oo reer Miyi ah, kuwaasi oo ay ula dhaqaaqeen halkii ay markii hore kasoo baxeen.

Dhinaca kale inta howlgalkaan uu socda ayaa deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaanada howlgallada laga sameeyay waxaa dul socday diyaarado dagaal oo joog hoose ku socday, kuwaasi oo shacabka qalqal ku beeray.

Saraakiisha AMISOM iyo sidoo kale maamulka gobalka Shabellaha Hoose ayaan xiriir aynu la sameynay inoo suurta gelin, si aynu wax badan uga ogaanno howlgalladaan iyo qaabka ay u dhaceen.

Goobjoog News