U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM oo ka baxaya garoonka kubadda cagta Muqdisho

Sheeko:War
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sugan gudaha garoonka kubadda cagta Muqdisho
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sugan gudaha garoonka kubadda cagta Muqdisho

Taliska ciiidanka AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sheegay in ay faarujin doonaan garoonka kubadda cagta Muqdisho.

Hadalkan waxaa manta shir jaraa’id ku sheegtay ku simaha ergeyga midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende oo warbaahinta kula hadashay gudaha xarunta ciidamada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Wanyoto ayaa carabka ku dhufutay in AMISOM ay go’aamisay in ay baneyso dhulka uu ku fadhiyo garoonka Muqdisho Stadium si ay ula wareegto wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Taliska AMISOM ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay agab ciyaaro ku wareejiyeen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda.

Ciidamada AMISOM ayaa degay garoonka kubadda cagta Muqdisho sanadkii 2011-ka xilligaa oo ay kala wareegeen xarakada Al-shabaab oo maamulayay.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ka dalbatay AMISOM iyo dowladda in ay baneeyaan tuulada ciyaaraha ee Isbartiibada.