U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Oo Madaafiic Ku Garaacay Deegaanka Jannaale Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic habeenkii xalay ahaa ay ciidamada AMISOM ku garaaceen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Qof ku sugan deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay madaafiic kasoo tuureen deegaanka Buufow oo isla gobolka Shabellaha Hoose ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeymahani ku dhaawacmay 5 qof oo shacab ah, iyadoo dadka qaar la sheegay in xaaladoodu ay aad u liidato.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in madaafiicdan aysan ahayn oo kaliya kuwo xalay lagu soo garaacay deegaankaasi, hase ahaatee sidaan oo kale halkaasi dhowrjeer loogu soo garaacay.

Xiriir aynu la sameennay maamulka gobolka Shabellaha hoose ayaan inoo suurta gelin si aynu wax badan uga ogaanno duqeymahaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa bil kahor isaga soo baxay deegaanka Jannaale ee Shabellaha Hoose, mana la oga ulajeedka ka dambeysay in ciidanka AMISOM ay duqeeyaan deegaankaasi.

Goobjoog News