U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM oo Qarax Lagula Eegtay Shabeellada Dhexe

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa u dhashay dalka Burundi ayaa waxaa maanta qarax lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, kaas oo dhaliyey khaasaare  isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Ciidamada ayaa kusii jeeday magalada Jowhar ee xarun u ah maamulka Hirshabeelle, xiliga uu qaraxa uu qabsaday mid kamid gaadiidkooda, qarax ayaa loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay, waxaa  qaraxa ku nafwaayey afar askari oo ka tirsan ciidanka la qarxiyey, halka ay dhaawacmeen sedex kale.

Alshabaab oo sheegtay mas,uuliyadda qaraxa ayaa waxaa ay baraha bulshada ay ku leeyihiin waxaa ay ku qoreen in qaraxa ay ku dileen lix askari oo ka tirsan AMISOM, kuwaas oo qarax ay kula beegsadeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, xili ay ku siijeedeen magaalada Jowhar.

Goobjoog News