U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Oo Weerar Ismiidaamin Ah Lagula Eegtay Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in weerar Ismiidaamin ah lagula eegtay duleedka deegaanka Jannaale, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Garsiini ee gobalka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala beegsaday gaadiidkaan, iyadoo qaraxa uu ahaa mid xooggan oo laga maqlay meelo badan oo ka mid ah gobalkaasi.

Illaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmig ah ee ka dhashay weerarkaasi, hase ahaatee mas’uuliyadiisa waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab.

Taliska AMISOM weli wax war ah kama aanu soo saarin weerarkaasi, balse weerarkaan ayaan imaanaya xilli AMISOM ay faarujiyeen deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News