U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM oo wiil 14 sano jir a ku dilay xaafadda Towfiiq

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku leh tuulada ciyaaraha ee Muqdisho ayaa galabta waxay qof rayid ah ku dileen xaafadda Towfiiq.

Wiilka oo lagu magacaabi jiray Maxmed Bashiir Axmed, ayaa waxaa xabad ku furay askari ka tirsan ciidama AMISOM ee saldhiga kuleh Staadam Muqdishu ee degmada Yakhsiid.

Dilka wiilkan yar ayaa yimid ka dib markii kubad ay ciyaarayeen ay kaga dhacday meel ku dhaw difaacyada ciidamada AMISOM.

Maxamed Adan Maxamuud oo ah abtiga wiilka la dilay oo Goobjoog news u waray ayaa sheegay in qaabka wiilka loo dilay uu ahaa mid wuxush nimo ah.

“ dhalin yar yar oo banooni dheelayso ayuu ka mid ahaa meesha ayay banooni(kubad) kaga dhacday, siliga muusan dhaafin…. Kubada isii buu yiri , midbaa kubad u soo tuuray , mid kalo oo aan arkaynin in banooniga la soo siiyay ayaa marxuumka baas ku dhuftay”

 

Afhayeenka AMISOM oo ay Goobjoog la hadashay ayaa sheegay in uusan waxba ka ogeen dhacdada.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaliya oo sheegay in Stadium Mogadishu laga rarayo ciidamada AMISOM.