Ciidamada AMISOM Oo Xoog Ku Joojiyey Dagaalkii B/weyne

Ciidamada AMISOM oo isugu jira Itoobiyaan iyo Jabuuti ayaa goor dhaw xoog ku kala dhex galay dhinacyadii ku dagaallamayey xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Wariyaasheena ku sugan magaaladaasi ayaa soo sheegaya in ciidanka AMISOM oo aad u hubeysan ay dhanka Buundada ka galeen xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Hadda rasaas laga maqalayo halkii lagu dagaallamayey ma jirto, waxaana xaafadda Howlwadaag oo biyo badan fadhiyaan ku qulqulaya ciidanka AMISOM.

Seddax maalin oo maanta ay ku jirto waxaa B/weyne ka soconayey dagaallo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed, waxaana jira dad dhaawacyo qaba oo ku go’doonsanaa halkii lagu dagaallamayey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW