U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka Bariga Afrika oo Ka Hortagay Weerro Ka Dhici Rabay Muqdisho iyo Kampala

Sheeko:Amniga

Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dalalka Bariga Afrika ay ka hortageen weeraro argagaxiso oo ka dhici lahaa magaalo madaxdooda, kadib dadaallo iyo wadashaqeyn labada dhinac dhex martay loogu guuleystay in looga hortago.

Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa ka hortagay weerar qorsheysan oo Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen beerta Nabadda ee Magaalada Muqdisho, oo ah goob caan ah oo ku dhow Madaxtooyada Somaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Somaliya.

Inta uu socday howlgalka ayaa ciidamada Nabadsugida waxa ay ku soo qabteen Jaakado ay ka buuxeen walxaha qarxa iyo Mooto Bajaaj la doonayay in lagu weeraro sida ay sheegtay wasaaradda.

Dalka Uganda, lix qof oo gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay inay wateen walxaha qarxa oo la doonayay in loo adeegsado dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo ee ka socda caasimadda Kampala.

Sida laga soo xigtay Maj. Charles Kabona, oo ah afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, hawlgallada wadajirka ah ayaa la sameeyay subaxnimadii Isniinta iyagoo ku dhaqmaya bartilmaameedyo cad.

Bannaanbaxan oo la qorsheeyay in dalkaasi oo dhan ka dhaco ayaa waxaa ku baaqay kooxda u dooda xorriyadda Uganda, si ay uga dhiidhiyaan dhibaatooyinka dhaqaale iyo musuqmaasuqa ee ka jira dalkaasi.
Ammaanka magaalada Kampala iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyay si dadka mudaaharaadaya looga ilaaliyo in ay bannaanka ka baxaan maadaama mudaaharaadka ay boolisku ku tilmaameen “mid aan sharci ahayn”.

Booliska ayaa u sheegay wariyeyaasha goobta ku sugnaa in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen 12 dhalo oo khamri ah, loor dhuxul, sokor, jiirgaan shidaal ah, sanduuqyo kabriid ah, koofiyada qaraxa iyo shumaca iyo waxyaabo kale.

Soomaaliya iyo Uganda ayaa labaduba waxa ay la kulmeen weeraro dhimasho badan oo kaga imaanayay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaas oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM tan iyo sanadkii 2007-dii.

Goobjoog News