U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka Boosaso oo Bilaabay Fulinta Amarkii Ka Soo Baxay Madaxweyne Deni

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka gobolka Bari ee Puntland ayaa saaka magaalada Boosaso ka bilaabay dhaqan gelinta hadalkii kasoo yeerahay madaxweynaha  Puntland Siciid Deni ee ku aadanaa diidmada shilinka Soomaaliga.

Cutubyo ka tirsan ciidanka oo lagu soo daadiyey magaalada, ayaa u jeedkooda lagu xusay inuu yahay qabashada ganacsatada diidan Shilinka Soomaaliga, waxaana amarkaas bixiyey taliyaha booluuska qeybta Bari  Xuseen Cali.

Tallaabadaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo magaalooyinka qaar ee maamulka Puntland ay ka taagan tahay diidmada Shilinka, waxaana horay maamulkaas uu amar ku bixiyey ciddii diidda qaadashada in tallaabo laga qaado.

Goobjoog News