U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka Boosaso oo Ka Hadalay Howlgallo Laga Sameeyey Magaalada

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada ay kusoo qabteen rasaas iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo.

Lamaaha kala duwan ee ammanka ayaa xusay  in howlgalgalka oo ahaa mid amniga lagu xaqiinayey laga sameeyey xaafadaha kala duwan ee Boosaaso  ay kusoo qabteen waxyaaha ay soo bandhigeen ciidamada Booliiska.

Ciidamada ayaa sidoo kale markii uu howlgalka uu soo dhammaaday waxaa ay mahadceliyeen shacabka oo ay sheegeen in laamaha ammaanka ay kusoo wargeliyeen walxaan laga soo helay xaafad ka tirsan degmada..

Magalada Boosaso ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay ciidamadu ka wadeen howlgallo isdabajoog ah maadaama ay Boosaaso kamid atahy goobaha loo asteeyey in ay ka dhacdo doorashada Baarlamaanka ee heer federalka 2021.

Goobjoog News