U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo Howlgal Ku Qabtay Waxyaabaha Maanka Dooriya

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Amniga kusoo bandhigeen Maandooriye iyo dadkii ka ganacsanaye, kadib howlgal laga fuliyay degmada Kaaraan.
Goobta lagu soo bandhigay Maandooriyahan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Sare Macalin Mahdi, Maamulka Degmada Kaaraan iyo saraakiil kale.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ka hortaga waxyaabaha halista ku ah xasiloonida Caasimadda iyo mustaqbalka ummadeena, isaga oo Sidoo kale uga digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha in sharciga lala tiigsan doono.
Goobjoog News
+2
All reactions:

27