U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka Cabudwaaq oo Fagaare Ku Burburiyey Qamri

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka magaalada Cabuduwaaq ee gobolka Galgaduud oo howlgallo saacadihii tagay ka sameeyey xaafadaha qaar ee magaalada ayaa gacanta waxaa ay kusoo dhigeen maandooriyaha Qamriga, lagu soo qariyey.

Ciidamada ayaa goob fagaaro isugu keenay Qamrigii lasoo qabtay, kaasoo gaarayey 300 oo dhalo, waxaana lagu burburiyey goobtaas, taliska booliska degmada ayaana ka hadlay Qamriga ladu soo qabtay degmada Cabduwaaq.

Taliyaha Qeybta Booliska degmada ayaa sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay Qamriga uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey, waxaana uu aad ugu mahadceliyey shacabka degmada uu xusay in ay lasoo wadaageen xogta Qamriga.

Degmada Cabuduwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay ciidamada ammanku ay ku soo qabteen waxyaabaha maankadoriya ee Qamriga iyagoo goob fakaaraha lagu gubay Qamrigaas la soo qabtay.

Goobjoog News