U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka oo Howlgal Ku Qabtay Koox Burcad

Sheeko:Amniga

Taliska Qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay ku soo qabteen burcad hubeysan oo magaca Ciidamada qalabka sida dhac ku geysanayay.

Howlgalka oo si gaar ah ugu dhacay qeybta bari ee gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qabtay maandooriye kala duwan iyo raggii ka ganacsanayay.

Saraakiisha howlagalka hoggaamineysa ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in burcadda iyo kuwa lagu soo qabtay maandooriyaha la hor geyn doono caddaaladda sharcigana la waafajin doono.

Ciidanka Qaranka ayaa bilihii lasoo dhaafay waxay howlgallo lagu baacsanayo burcadda, Ciyaal weerada iyo kooxaha gacan saarka la leh Khawaarijta ka wadeen degmooyinka xiga daafaha gobolka Banaadir, iyadoo dad weynaha halkaasi ku dhaqan ay si weyn usoo dhoweeyeen.

Goobjoog News