U bood dhigaalka

Ciidamada Amniga Galmudug Iyo Haramcad oo Howlgallo Ka Wada Degmada Hobyo

Sheeko:Amniga

Ciidamada Amniga ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug oo uu maalmahanba ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “ Qoor Qoor” iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamadan oo isugu jira xoogga Dalka Qaybta 21-aad , kuwa Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo ay wehliyaan ciidanka Booliiska Hobyo ayaa wada jir u fuliyay howlgalkan oo lagu baarayo Gaadiidka Dadwaynaha, Guriyaha laga shakiyo iyo goobo bartilmaameed u ah howlgalkan.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in ay jiraan tuhuno amni oo muujinaya qorshayaal  Al-Shabaab ku doonayaan fulinta weeraro qaraxyo ah oo ay ka fuliyaan Galmudug .

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Qaybta 21-aad ay aroornimadii saakay fashiliyeen weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaadey xerada ku taallo deegaanka Bacaadweyne oo ka tirsan gobolka Mudug.

Sidoo kalena ciidamadu Howlgal laga sameeyey  Gaalkacyo  waxay ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay iyo shaqsigii wadaha ka ahaa.

Howlgalgaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo magaalada ay ka socoto qorshaha dhismaha dekadda Hobyo, oo mas’uuliyiin ka tirasan Galmudug iyo ganacsato ay maalmihii dambe ay shir ku la haayeen, kaas oo lagu yaboohayey  lacagihii lagu bilaabilahaa dhismaha, oo qorshu yahay in la bilaabo dabayaaqada sanadkaan gudihiisa ee 2020-ka.

    Goobjoog News