U bood dhigaalka

Ciidamada Amniga Galmudug oo Xaliyey Xiisad Ka Taagneyd Xadka Mudug iyo Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidamada Galmudug oo kaashanayo ciidamada Booliska iyo xoogga ee federaalka ayaa ku guuleystay xalinta xiisad maalmihii dambe ka taagneyd deegaanka Baxdo Gaabo iyo Wanakiir oo xadka labada Gobol ee Mudug.

Xiisadaan ayaa waxaa ay ka dhalatay dhul-daaqsimeed iyo Barkadaha biyaha lagu keydsado xiliyada roobabka, ciidamada oo ka yimid Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa kaalin weyn ka qaatay daminta xiisadda beelaha.

Ciidamada ayaa dumiyey Barkado xiisaddu ka bilaabatay, waxaana taliyaha qeybta boliiska gobalka Mudug gaashaanle dhexe Qaasim Shirdoon uu sheegay in ay tahay tilaabo horay loo qaaday.

Gobolada Mudug iyo Galgaduud  ayaa waxaa inta badan ka dhaco dagaal beeleedyo ku saleysan dhuldaaqqsimeed iyo meelaha biyaha lagu keydyo, waxaana inta badan ka dhasho khasaare kala duwan.

Goobjoog News