U bood dhigaalka

Ciidamada Amniga Jubbaland oo Howlgallo Ka Sameeyey Magaalada Kismaayo

Sheeko:Amniga

Ciidamada amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee caasimadda u ah maamulkaasi.

Howlagallada ayaa guud ahaa kuwo laga sameeyey xaafadaha ay ka kooban tahay Kismaayo, ciidamada ayaa inta ay howlgalka  wadeen  waxaa ay kusoo qabteen tiro dad ah kuwaas oo u badnaa dhallin yaro oo gaarayey 500 ruux.

Gaashaanle Warsame Axmed Geelle hoggaaminayo howlagalka ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka uu yahay xaqiijinta amniga magaalada, waxaana uu intaas ku daray  inuu howlagalladaan ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinaayo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo.

Howlgalladaan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay ku soo aadayaan iyadoo dhowaan uu ka dhacaymagaalada  qarax ismiidaamin ah, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland Raabi Kaahin iyo arday ka tirsanaa kuwii galay kaalmaha sare ee Imtixaankii qaranka 2019-2020-ka.

Goobjoog News