U bood dhigaalka

Ciidamada amniga oo duleedka Muqdisho ku qabtay Maandooriye iyo dadkii iibinaayay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MaandooriyeCiidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Maandoriyaal kala ah Xashiis iyo Calaq, ka dib howlgal ay halkaasi ka sameeyeen.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in maandooriyahaan lagu iibin jiray guri halkaasi ku yaala.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada howlgalkaan sameeyay ay isugu jireen Booliis iyo Nabad Sugid, islamarkaana la qabtay dadkii Iibin jiray.

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay howlgalkaan oo ay sheegeen in dhibaato ay ku ahaan jirtay shacabka ku dhaqan halkaasi, waxaana ay sheegeen in sidoo kale xilliyada qaar ay ka dhici jirtay isku dhac dadka Maandooriyaha iibsan jiray.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News