U bood dhigaalka

Ciidamada Amxarada Oo Bilaabay Guluf Ka Dhan Ah TPLF

Sheeko:Amniga

Ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay guluf dagaal oo ka dhan ah jabhadda TPLF ee ku sugan gobalka Amxarada ee dalka Itoobiya.

Hogaanka TPLF ayaa dhankooda sheegay in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo aysameynayaan ciidamada Isbiheysiga Itoobiya.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda, ayaa sheegay in ciidamada Amxarada oo garabsanaya kuwa Itoobiya ay bilaabeen is aruursi dagaal oo ka dhanka ah ciidamada Tigrayga.

Billene Seyoum, oo ah afhayeenka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la weydiiyay in la qaaday weerar dhulka ah ayaa sheegtay “in dowladda Itoobiya ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay muwaadiniinteeda ku sugan dhammaan qeybaha dalka ka ilaaliso falal kasta oo argagixiso.”

“Dowladda Itoobiya waxay sii wadi doontaa ka hortagga burburinta, rabshadaha iyo dilalka TPLF ee gobolka Amxaarada iyo meelo kaleba,” ayay raacisay hadalkeeda Afhayeenka Abiy.

Amxaarada iyo Tigreega ayaa muddo tobanaan sano ah ku muransanaa dhul ka dib markii Tigray ay ballaarisay xuduudaheeda rubuc qarni ka hor, oo ay ku jirto dhul beereed baxaad weyn oo ku yaalla xadka labada dhinac kaas oo ay sheegteen qowmiyadda  Amxaarada.

Amxaaradu waxay ciidan u dirtay dhulkaas – oo si rasmi ah loogu yaqaanno Galbeedka Tigray – markii uu dagaalku billowday bishii Nofeembar ee u dhexeeyay ciidanka qaranka iyo xoogagga jabhadda TPLF, welina gacanta ayuu ku hayaa.

Bishii Juun, ciidamada Tigreega ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta inta badan Tigray, taas oo ku qasabtay milatarigii qaranka in uu meesha ka baxo.

Goobjoog News