U bood dhigaalka

Ciidamada Asluubta Oo u Dabaaldegay 47 Sano Guuradii Kasoo Wareegtay Aas-aaskooda

Sheeko:Dalka

Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta oo Isniin ah waxay u dabaaldegeen 47 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidamadaasi.

Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta xabsiga dhexe ee Xamar, waxaa ka qeybgalay guddoonka Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.

Taliyaha ciidamada Asluubta, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ka hadlay waxqabadka taliska mudadii uu xilkaasi hayey.

Waxa uu sheegay in isbedal badan ay ka hirgeliyeen xabsiga dhexe ee dalka, waxaana uu farta ku fiiqey iney hirgeliyeen dugsi tababar oo farsamada gacanta ah, shaqo abuur loo sameeyay maxaabiista oo qaarkood ay qarashaad u dirsadaan ehladooda, isbedal lagu sameeyay dhanka jiifka Maxbuuska oo uu ku seexdo sariir iyo Joodari, helitaanka biyo ay xilli walbo ku qubeysan karaan, daawashada Tv-ga iyo adeegyo kale oo aaney maxaabiista haysan.

Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka sare oo isna kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabaddaasi hadalka ka jeedisey ayaa ugu horreyn taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 47-sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaskooda.

Guddoomiye Bukhaari ayaa sheegay in waxyaabaha uu qabtay taliska Asluubta ciidanka Soomaaliyeed tahay kuwo mudan in mas’uul walbo oo Soomaaliyeed ku deysado.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in ahmiyad weyn ay leedahay in xabsi lagu yaqaanay albaab xiran laga dhigo meel wax lagu barto, lagu dhaqanceliyo carruurta waxna lagu baro, isaga oo ku bogaadiyey taliska ciidamada Asluubta howsha ay hayaan.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna hadal ka jeediyey munaasabaddaasi ayaa mahadcelin kadib waxa uu sheegay in baarlamaanka uu madaxda xabsiga dhexe kula xisaabtami doono haddii halkaasi lagu hayo maxbuus aan xukunneyn.

Ugu dambeyn, wasiirka wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya C/laahi Axmed Jaamac oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in min Hal Darajo la dalacsiiyey dhammaan ciidamada Asluubta inta aan ahayn saraakiisha.

Goobjoog News