U bood dhigaalka

Ciidamada Australia oo xeebaha Soomaaliya ku qabtay dooni siday 5.6 tan oo xashiish ah

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidanka badda dowladda Australia ayaa sheegay in ay qabteen doon sidday xashiish dhan 5.6 tan. Doonta ayaa marka la qabtay waxay ka sii baxaysay xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen warbaahinta Australia.

Saraakiisha ayaa sheegay in xashiishka lagu qariyay boorsooyin. Wakaaladaha wararka ayaa qoray in xashiishka la qabtay uu u dhigmo lacag dhan $280 Milyan oo doollar.

Shixnadda xashiishka ayaa gacanta lagu dhigay kaddib markii ciidanka badda Australia iyo ciidanka cirka ee New Zealand ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya howlgal socday shan cisho.

Doonta ayaa la sheegay inay u socotay dalalka Bariga Dhexe ama qaar ka mid ah waddamada ku teedsan Bad weynta Hindiya.