U bood dhigaalka

Ciidamada Badda Ee Faransiiska Oo Qabtay Doon Hub Sida, Kuna Soo Jeedday Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ciidamo Faransiis ah ayaa qabtay Dooni alwaax ah oo hub ka buuxay taas oo kusoo jeedday Soomaaliya.

Doonta waxaa saarnaa Boqolaal machine guns ah, hubka Anti Tankiga ah, AK47 iyo hub kale oo ka buuxay Doonida.

Doonida waxaa arkay Hilicopter ka duushay Markabka Provence’s Caïman, waxaa la sheegayaa in ay diyaaradaas ku guda jirtay shaqo maalmeedkeeda caadiga ah ee kormeerka.

Doonidan hubka siday waxaa la ogaaday sidoo kale in aanay ka diiwaangashneyn wax dal ah, lama oga hubka meel ay ka keentay.

Hubkan Sharcidarrada ah waxaa la doonayey in la geeyo Soomaaliya xilli dalka uu golaha amaanka ku soo rogay cuna qabateyn xagga hubka ah.

Dhacdadan ayaa ku beegmeysa muddo bil ka yar markii uu Markab Australian ah qabtay Dooni sidday hub la sheegay in uu ku soo socday Soomaaliya.

Ciidamada Faransiiska waxaa ay ka mid yihiin Task Force 150  oo ilaaliya biyaha Soomaaliya, waxaa ay shaqadooda tahay la dagaalanka argixgixisada.

Goobjoog News