U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska Dubai oo Xiray Gabar Soomaali ah kadib markii lagu helay Document Been Ah

Sheeko:Dalka

Booliiska Dubai ayaa ku xiray gabar Soomaali ah iyo hooyadeed garoonka diyaaradaha ee Dubai International Airport.

Sida ay Booliiska sheegeen gabadha iyo hooyadeed waxaa ay doonayeen in ay dalka Ingiriiska ku galaan passport been-abuur ah, gabadha iyo hooyadeed waxaa ay ahaayeen magangalyo doon.

Booliika dalkaan waxaa ay markii dambe gabadha warqado uga sameeyeen qunsiliyadda Soomaalida ee Dubai iyagoo kasoo dhiibay Ticket-ka ay ku aadi laheyd Soomaaliya si ay ula noolaato ayeeyadeed.

Nin Booliika dalkaa u hadlay oo lagu magacaabo Saeed Hamad Mohammed bin Sulaiman oo ah agaasimaha Rashidya Police Station ayaa sheegay in saraakiisha garoonka ay saldhiga ugu keeneen gabadha iyo hooyadeed, kadib ay raadiyeen sabab ay cunugta yar ku joogi karto Dubai lakin ay waayeen qaraabadeeda, sidaa darteed ay raadiyeen qaraabadeeda Soomaalida, markii ay ayeedadeed heleenna ay Qunsiliyadda warqadao uga sameeyeen, Ticket-na ka dhiibeen si ayeeyadeed ula noolaato.

Hooyada Soomaalida ah waxaa ay diyaarad ka raacday iyadoo transit ku noqon rabtay dalka Bahrain kadibna u sii socotay Heathrow Airport, Documentiyada ay wadatay dhamaan waxaa ay ahaayeen been abuur, waxaa intaas ka daran Magaca ay ku safri rabtay ee passport ku qornaa waxaa uu ahaa Magac wiil.

Hooyada waxaa ay qiratay dhamaan eedeymahaas iyadoo intaa raacisay in ay rabtay in ay hesho magangalyo siyaasadeed.