U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska howlgalo bur burin ah ka sameeyay Xaruunta Akademiyada Fanka iyo Suugaanta (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo kaashanaaya kuwa Nabad sugidda ayaa maanta howlgalo bur burin ah ka sameeyeen xaruntii Akademiyada Fanka iyo Suugaanta (Ex-Fiyoore) Degmada Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho.

Cali Seeko oo ah afhayeenka maamulka gobalka Banaadir ayaa mar uu saxaafadda kula hadlay halkaasi waxa uu sheegay in amar kasoo baxay dowladda lagu go’aamiyay in dadkaan halkaasi ay isaga baxaan.

Wareegtada bur burinta ah ayuu sheegay in uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha Gobalka Banaadir, waxaana uu sheegay in dadka aan la qasbin oo si xurriyad ah ay dadka guryahooda halkaasi ka dunsadeen.

Shacabka ayuu sheegay in amarka Booliiska iyo Nabad sugidda ay wanaagsan u qaateen, shacabkana aan la qasbin oo hantidooda si tartiib ah u qaadanayaan.

Dhamaan dadkii halkaasi deganaa ayaa laga saaray marka laga reebo Fanaanka caanka ah Cabdi Tahliil Warsame oo isaga halkaasi ku xanuunsanaya, waxaana maamulka gobalka Banaadir uu sheegay inta fanaanka xal looga helayo xaaladiisa uu halkaasi deganaan doono.

Halkaan hoose ka dhageyso Warkaan.

Goobjoog News