U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska Oo Howlgal Dad Lagu Soo Xiray Ka Sameeyay Jowhar

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska dowladda Federaalka ah ayaa howlgal amni xaqiijin ah waxay ka sameeyeen degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe, waxaana ay soo qabteen dhallinyaro ay sheegeen in lagu tuhmayey ka shaqeynta falal amniga ka dhan ah.

Ciidamadaan ayaa howlgalladaan waxay ka sameeyeen xaafadaha Hanti wadaan iyo Kulmis ee magaalada Jowhar, waxaana intii uu soconayay yaraa dhaq dhaqaaqa dadweynaha.

Taliyaha saldhigga ciidanka Booliiska ee degmada Jowhar Maxamed Siyaad Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalkaan ulajeedkiisu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee degmadaasi.

Ma aanu sheegin taliyaha tirada rasmiga ah ee howlgalkaan ay kusoo qabteen, balse waxa uu tilmaamay in baaritaan ay ku hayaan dhallinyarada ay soo xireen lana sii deyn doono cidii ay xaqiijiyaan in aysan dhibaato ku ahayn amniga Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa maalmihii dambe amnigeeda aad loo adkeenayay, maadaama magaaladaasi ay martigelinayso shirka maamul u sameynta goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News