U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska oo howlgal ka wada wadooyin ka mid ah Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliuiska ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgal baaritaan ah waxay ka wadaan Isgoysyada Tiyaatarka iyo Daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa joojinaaya gaadiidka yar yar iyo midka dadweynaha, waxaana lasoo dejinayaa dhamaan dadka gaadiidkaasi saaran, iyadoo la baarayo.

Mid ka mid ah wariyaasha Goobjoog Fm, oo halkaasi soo maray ayaa sheegay in ciidamada ay yihiin kuwo howlgalka u wada si adag, islamarkaana halkaasi aanu gudbeyn qof shacab ah oo aan la baarin.

Saraakiisha booliiska ee gobalka Banaadir, weli wax faah faahin ah kama aanay bixin howlgalkaan, balse waxa uu imaanayaa xilli maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen falal ka hor imaanaya amniga.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News