U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska Oo Howlgallo Dad Lagu Soo Qabtay Ka Sameeyay Cadaado

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ayaa howlgallo ballaaran waxa ka sameeyeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud kaasi oo dad lagu sooq qabtay.

Howlgalkaan ayaa ciidamada Booliiska waxay ka sameeyeen Afarta Xaafadood ee degmada Cadaado iyo deegaannada ku dhow, waxaana uu ahaa mid lagu sugayey amniga degmadaasi.

Taliye ku xigeenka saldhigga Booliiska degmada Cadaado Cumar Macallin oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa ka warbixiyey howlgalladan, waxaana uu sheegay inay soo qabteen dad falal amni darro ku howlanaa oo qaarkood dhac geystay.

“Howlgalkaan waxa uu ku saabsan yahay amniga guud ee gobolka gaar ahaan degmada, waad ogatahay magaalada shirar baa lagu qabanayaan, madax baa joogta, ciidanku wey shaqeynayaan habeenkii iyo maalintii oo dhan, wax badan bay qabteen”

Taliye ku xigeenka ayaa dhinaca kale digniin u diray dadka sida sharci darada ah hubka ugu dhex wata magaaladaasi.

“Waxaan la hadleynaa dadka dharka caadiga ah wata ee hubka la wareegaya degmada waxaan leenahay naga joojiya, waxaan u arkeynaa inuu dambiile yahay, wixii ka dambeeya 9-ka bishan howlgal adag baan ka qaban doonnaa, askari xitaa haddii uu yahay oo uu wato dharka shacabka tallaab adag baan ka qaadeynaa” ayuu hadalkiisa ku daray taliye ku xigeenka.

Ugu dambeyn Taliye Cumar ayaa sheegay in amniga degmada Cadaado hadda yahay mid la isku haleyn karo, waxaana uu ugu baaqay shacabka degmadaasi inay la shaqeeyaan ciidanka amniga.

Goobjoog News