U bood dhigaalka

Ciidamada Booliiska Puntland oo Ka Warbixiyey Howlgallo Laga Sameeyey Boosaaso

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliiska maamul goboleedka Puntland ee loo yaqaano PSF ayaa sheegay  in  howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari  ay kusoo qabteen shaqsiyaad diyaarinaayey walxaha qarxa.

Qoraal kooban oo ciidamada kasoo baxay taliska  ayaa lagu xusay howlgalka oo saacadihii lasoo dhaafay laga sameeyey magaalada lagu qabtay shaqsiyaadkaas,wolow aysan sheegay tiradooda iyo cidda ay ka tirsan yihiin.

Magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga, maadaama magaaladu kamid tahay gooboha ay ka dhacayaan doorashooyinka xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad  DFS.

Goobjoog News