U bood dhigaalka

Ciidamada Booliska Somaliland oo Goob Fagaaro ah Ku Gubtay Qaad Laga Keenay Itoobiya

Sheeko:Caafimaadka

Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan Qaad badan oo la doonayey in la soo galiyo deegannada Somaliland, ka dib hakad la geliyey muddo 25 cisho ah sida uu dhowaan uu sheegay guddiga wacyi gelinta iyo ka hortagga xanuunka Coronavirus.

Ciidamada ayaa qaadka ku qabtay magaalada Baligubadle oo u dhow xadka dalka Itoobiya shalay gelinkii dambe kaas oo laga keenay dhanaca dalka Itoobiya waxaana lagu qiyaasay inuu ahaa  200-kilo oo Qaadka  dhadheera iyo 100 -Marduuf waxaana la keeay magaalada Hargeysa, iyadoo markii dambe  lagu gubay goob fagaaro ah.

Goobta Qaadka  lagu gubayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska gobolka Maroodi-Jeex iyo xubno kamid ah guddiga wacyi gelinta iyo ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo dadweyne u soo daawasho tagay goobta lagu gubayey Qaadka ay soo qabteen ciidamada amniga,

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay la wareegeen gaadiidkii keenay Qaadka iyaga oo intaas ku daray  in marnaba aysan ogolaan doonin in Qaad  la soo geliyo deegannada Soomaaliland waxaana ay digniin u direen  ganacsatada ku howlan keenista  iyo ka ganacsigiisa.

Tilaabadaan ay qaadeen ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa  iyadoo dhowaan guddiga wacyi gelinta iyo ka hrtagga xanuunka Coronavirus ay ku dhawaaqen muddo 25 cisho ah la joojiyey keenitaanka iyo ka ganacsiga Qaadka ee Somaliland sabobo la xiriira cabsi laga qabo faafitaanka xanuunka COVID-19.

Goobjoog News