U bood dhigaalka

Ciidamada Ciraaq  Oo Xaafado Badan Oo Ka Tirsan Magaalada Mowsil Gacanta Ku Dhigey

Sheeko:Dalka

Ciidamada  dowladda Ciraaq ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay soo ceshadeen  80 xaafadood oo ka tirsan magaalada Mowsil  kuwaas oo horay ay gacanta ugu hayeen ururka Daacish.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay howlgalkii  millatari oo Daacish looga xoreynaayay  Mowsil saddex bil ka hor  halka uu wali uu socdo dagaalka  lagula dagaalamayo daacish .

Dhanka kale waxay sheegayaan Ilo dhanka ammaanka  in Jaamacdda magaalada Mowsil ee ku taallo waqooyiga magaaalada  ay wali ku suganyihiin daacish laga maqlayo israsaaseen  u dhaxeysa labada dhinac inkastoo  qeybo badan oo ka tirsan Jaamacadda ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ciraaq.

Ciidamada ayaa waxay celieen weerar ragool celis ah kaas oo ay ku soo qaadeen Ururka daacish xilli ciidamad Ciraaq ay baaritaan ay ka wadeen  dhismayaasha Jaamacadda Mowsil.

Waxay  ahayd 17, October 2016 markii lagu dhawaaqay howlgal ballaaran oo dib loogu soocelinaayo Mowsil oo ay gacanta ku hayeen daacish howgalkaas oo ay hurmuud ka ahaayeen ciidamad Ciraaq iyo Mareyanka  taasoo keentay qeybo badan oo ka tirsn magaalada laga saaro daacish.

Goobjoog News