U bood dhigaalka

Mareykanka Oo Baaraya Dad Rayid Ah Oo Dhintay Kadib Markii Ay Ka Soo Boodeen Diyaarad Hawada Ku Jirta

Sheeko:Amniga

Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa baaraya dhimashada dad rayid ah oo reer Afgaanistaan ah oo ka soo dhacay diyaarad militari kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Muuqaalo ay baahiyeen warbaahinta Afgaanistaan Isniintii la soo dhaafay ayaa muujinayay muwaadiniin rogrogaya meydadka dad ka soo dhacay guryo ka dib markii ay ku dhegeen taayirada diyaarad ka duushay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Afghanistan ee Kabul.

Isniintii la soo dhaafay, warbaahinta maxalliga ah iyo dadka isticmaala baraha bulshada ayaa faafiyay muuqaalo naxdin leh oo muujinaya muwaadiniin reer Afgaanistaan ah oo ku dheggan taayirada diyaarad militari oo Mareykan ah markii ay ka duushay gegida diyaaradaha ee Kabul ka hor inta aysan ka soo dhicin markii diyaarada gashay hawada sare.

Muuqaalka ayaa muujinaya diyaaradda xamuulka ciidamada Maraykanka ee C-17 oo isku diyaarinaysa inay duusho, halka boqolaal dhalinyaro reer Afgaanistaan ah ay ordayaan horteeda iyo hareeraheeda, tiro ka mid ahna ay ku dhegganayeen  lugaha diyaaradda oo weli kusii socotay dhabaheeda inta aysan duulin ka hor.

Dadka isticmaala baraha bulshada  ayaa sidoo kale aad isula wadaagay clip kale oo muujinaya qof rakaab ah oo saran mid kamid ah dayaaradaha oo qof kale gacanta kaso qabanaya si uu uga so galiyo albaab furan oo diyaaradda ku yaal, waxaana qofkii dhulkajoogay u suurogashay inuu fuulodiyaarada isagoo kaashanaya dadka kale ee dhulka jooga, iyadoo aan la ogeyn halkii ay ku dambeeyeen.

Muuqaal kale ayaa muujinaya koox dad ah oo taagan hareeraha meydka qof ku soo dhacay dhisme dushiisa kadib markii ay ku dhegeen isaga iyo kuwa kale taayirrada diyaarad ka duushay garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Waxaana jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay fowdo iyo isbuurasho ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul subaxnimadii Isniinta taas waxana ciidamada Mareykanka ay rasaas kor ugu rideen dad badan oo reer Afgaanistaan ah oo soo buux dhaafiyay dhabaha diyaaradaha ku ordaan ee garoonka.

Askarta Mareykanka ayaa mas’uul ka ah sugidda amniga garoonka si ay gacan uga geystaan daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee ka socda wadamo dhowr ah, iyo sidoo kale rayidka kale ee doonaya inay baxaan kadib markii xoogagga Taaliban ay Axadii lasoo dhaafay la wareegeen inta badan xarumihii ku yaalay caasimadda.