U bood dhigaalka

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Gobolka Bari

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku baxay deegaanka Iskushuban oo ka tuirsan gobolka Bari oo shalay  ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed, oo deegaanka wadadega, waxaana saaka degan xaaladda.

Dagaalka oo soo gaaray ilaa shalay gelinkii dambe ayaa waxaa uu u dhexeeyey maleeshiyaad deegaanka ah, kuwaas oo  ku murmay  dhuldaaqqsimeed, waxaana dagaalka uu sababay khasaarebadan  dhimasho iyo dhaawac  isugu jiro.

Wararka aan helayno ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen 5 ruux oo labada dhinac ah, halka uu jiro dhaawacyo ku kabadan 10 ruux oo ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Iskushuban ee gobolka Bari.

Ciidamada deegaanka gaaray ayaa waxaa ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in  kula qaadaan maleeshiyaadka dagaalamay iyo sidii loo abuuri lahaa jawi  wadahadal oo labada dhinac ee dagaalamay oo deegaanka wada dega.

Deegaanka Isku-shuban ayaa shalay waabarigii waxaa ka qarxay dagaalka u dhaxeeyey labada maleeshiyo beeleed, waxaan inta badan xiliyadaan oo kale gobolada dalka ka dhaca dagaalada ceynkaan oo kale ah ee la xiriira daaqsinta.

Goobjoog News