Ciidamada DFS Iyo Kuwa AMISOM Oo Fariisimo Ka Sameystay Wadada Isku Xirta Jowhar Iyo Balcad

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay fariisimo cusub ka sameysteen wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ciidamadan ayaa dagay hareeraha wadada laamiga ah, gaar ahaan deegaannada Gololey iyo Haanta Sheekh oo ah meello ay ku xooganaan jireen Al-shabaab.

Saraakiil u hadlay ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in fariisimadan uga golleeyihiin sidii ay ku xaqiijin lahaayeen amniga wadadan oo marar badan ay ka dhaceenweeraro ay fuliyeen Al-shabaab.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah waxay jidadka u galeen mas’uuliyiin Hirshabelle ah iyo ciidamo ku safrayay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

Goobjoog News

Related Articles

42 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW