U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgal Ka Sameeyay Deegaanka Cumar Beere

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta waxay howlgal ka sameeyeen deegaanka Cumar Beere ee duleedka degmada Afgooye.

Deegaankan ayaa waxaa ku sugnaa dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, lamana sheegin iska horimaad halkaasi ka dhacay.

Ciidamadaan ayaa waxaa ay ka ruqaansadeen degmada Afgooye iyaga oo gaaray deegaanka Cumar Beere oo 10-Km kaga beegan dhanka galbeed Magaalada Afgooye.

Ciidamada ayaa marka ay gaareen deegaankan waxaa ay bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga Maadaama deegankan ay horay u Maamuli jireen Alshabaab.

Ilaa iyo hadda Majirto howlgalka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaanka Cumar Beere cid lagu soo qabtay balse ciidamada ayaa markii dambe dib waxaa ay ugu soo laabteen degmada Afgooye oo markii hore ay ka tageen.

Goobjoog News