U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo Dib U Xiray Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dib u xireen qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho kuwaasi oo muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Waddooyinka xiran waxaa ka mid ah wadada Sodonka, Warshadaha iyo qeybo ka mid ah wadada Wadnaha iyada oo halkaasi laga celinayo gaadiidka dadweynaha iyo midka gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in si degdeg ah loo furo waddooyinka xiran oo shacabka loo daneeyo.

Xirnaashaha Maanta ee waddooyinka qaar ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iyo waxa gadiidka aanan u isticmaali karin waddooyinka qaar.

Goobjoog News