U bood dhigaalka

Ciidamada Dfs Oo Howlgallo Ka Sameeyay Deegaanka Basra Ee Gobolka Sh/Dhexe

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta howlgallo ka sameeyey deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo shalay ay kala wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidankan ayaa howlgalladoodan ku sheegay kuwo ammaanka Basra lagu xaqiijinayey, halkaasi oo Shalay Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay kala wareegeen Alshabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedada howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka, dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada ay qabqabteen dhallinaro dhowr ah oo la xiriirinayo Alshabaab.

Dagaalkii shalay ayaa ku bilowday duqeyn diyaaradeed, waxaana kadib deegaankaasi weerar dhulka ah ku galay ciidanka Danab iyo kuwo AMISOM ah.

Goobjoog News