U bood dhigaalka

Ciidamada DFS Oo Howlgallo Ka Wada Degmada Afgooye

Sheeko:Amniga

Wararka saakay oo Sabti ah ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmadaasi iyo deegaannol ku dhow.

Howlgalka xooggiisa ayeey ciidanka waxay ka wadaan deegaanka Buulaleey oo ku dhow degmada Afgooye halkaasi oo xalay qarax Miino uu ka dhacay.

Ma jirto illaa iyo hadda cid lagu soo qabtay howlgalkaan, hase ahaatee saraakiisha hoggaamineysa ciidamada howlgalka wada ayaa sheegay iney raadinayaan rag ka mid ah Al-shabaab.

Degmada Afgooye waxaa maalmihii ugu dambeeyey kusoo batey falal amniga wax u dhimaya,  iyadoo ay ka dhaceen qaraxyo iyo sidoo kale weeraro ay fuliyeen Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News